• Ivory Coast Iyo Zambia oo Kala Khaarijiyey Guinea Iyo Sudan

Equatorial Guinea/Gabon-Feb-05-2012-xiddigaha.com-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha wxaynu galabta ku lafagureynaa koobka qaaradda Afrika oo soo galey Seme Final wxaana galabta la kala khaarijiyey Wadanka ciyaarahan marti galiyey ee Equatorial Guinea iyo suudaan oo labadoodaba loogu awood sheegtey min 3-dex gool.

Haddaba haddii aynu soo qaadano labada kulan ee la ciyaarey galabta tii ugu xiisaha badneyd waxaa goradda isla galey xulka martida loo yahay ee Equatorial Guinea iyo xulka lagu magacaabo Maroodiyaasha ee Ivory Coast oo runtii ciyaartan lawada sugayey.

Akhyaartay garoonkii weynaa ee lagu balansanaa Bata Stadium oo ay soo buuxiyeen taageerayaasha labada wadan iyo dadweyne cagacageynaqya 15-000 walow ay u badnaayeen reer Guinea Ciyaartan oo runtii aad u xiisa badneyd ayey labda xulba soo bandhigeen ciyaar nadiif ah oo laisku hayey hujuum badan walow ay Ivory Coast ka yara farsama fiicneyd,haddaba xiddiga reer Chelsea Drogba ayaa wuxuu calaf u yeeshey in daqiiqaddii 36-aad ee qeybtii hore ee ciyaata goolkii ugu horeeyey ku salaamo Guinea kii labaadna wuxuu u raaciyey daqiiqaddii 69-aad kii saddexaana ee niad jabka waxaa ku macasalaameeyey daqiiqaddii 81-aad Yaya Toure.

Zambia ayaa dhankeeda si halaasi ah uga soo talaabsatey xulka Sudan oo ay farxad weyn u ahayd usoo bixitaanka wareegan hada lagu reebay maadaama ay ka maqnaayaan tartmadan Afrika sanado aad u badan, waxaana 3 gool ku kala baashaaley xidigaha libaaxyada Zambia ee kala ah Stoppila Sunzu, Chris Katonga og James Chamaye.

Saaxiibayaal ha moogaanina labada kulan ee maanta dhacaya foodana isla galayaan xulalka kala ah Gabon vs Mali iyo Ghana vs Tunisia.

W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line